Hordhac
Dunida maanta ee isbeddelka xoowliga ah ku socdo, helitaanka ilo dhaqaale oo sugan maaha oo kaliya doorasho, laakiin waa baahi aasaasi ah oo go'aamisa badhaadhaha shakhsiga iyo bulshadaba. Si kastaba ha ahaatee, kaydinta caadiga ah ee lacagta la dhigto meel si (cash ) ahaan ah ama xisaabaadka bangiyada ee aan koritaan dhaqaale laheyn, waxa lasoo darsa caqabaddo dhaqaalaha, sida sicirbarar (Inflation) oo Sababa hoos u dhac dhaqaale.
Haddaba, waxaa halkan ka dhasha fikradda Maalgashiga (investing). Maalgashigu maaha ficil ku kooban dadka hantida badan, balse waa xeelad cilmiyaysan iyo dhiirranimo maaliyadeed oo hantida maanta la hayo loogu beddelayo ilbaxnimo dhalisa faa'iido mustaqbalka ah. Waa habka keliya ee qofka u saamaxaya inuu lacagtiisa u qasbo inay iyadu u shaqayso, halkii uu isagu nolosha oo dhan lacag u shaqayn lahaa.
Maqaalkan, waxaynu si qoto dheer oo
farshaxanimo leh u falanqayn doonnaa qeyb ka mid ah tiirarka aasaasiga ah ee
maalgashiga, xeeladaha casriga ah ee loo adeegsado qaybinta hantida, iyo sida
loo miisaamo halista si loo gaaro xorriyad maaliyadeed oo waarta.
1. Saddexda Tiir ee
Maalgashiga Hantida
Kahor intaanan loo guurin suuqyada waaweyn, waxaa lagama maarmaan ah in la fahmo saddexda hantiyeed (Asset Classes) ee ugu muhiimsan ee maalgashadayaashu lacagtooda geliyaan. Mid kasta oo ka mid ah wuxuu leeyahay dabeecad u gaar ah:
- Hantida Maaliyadeed (Equities/Stocks): Inaad qayb ka iibsato lahaanshaha shirkad weyn. Waxay leedahay faa'iido aad u sarreysa laakiin waa mid kacdoon iyo isbeddel badan (Volatile).
- Hantida Ma guurtada ah (Real Estate): Gadashada dhulka ama dhismayaasha. Tani waxay caan ku tahay inay ka badbaaddo sicir-bararka (Inflation) iyadoo bixisa dakhli joogto ah oo ijaar ah.
- Maalgashiga Badeecadaha Muuqda iyo Dahabka (Commodities & Precious
Metals): Gadashada iyo kaydsashada hantida dabiiciga ah ee qiimaha leh sida
Dahabka iyo Qalinka. Dahabka, waxaa loo yaqaannaa "Hantida
Badbaadada" (Safe Haven Asset) sababtoo ah ma lumiyo qiimihiisa bal
iska dhaafe kor u kac ayuu Sameeya waana maalgashi jirey boqolaal sano oo
dammaanad ka ah sicir-bararka.
2. Isbarbardhigga Halista iyo Soo-celinta Faa'iidada - Waxaa jira halheys oranaaya "(high
risk high return) Halis sare waa faa'iido sare, halis yarina waa faa'iido
yari." Oo micnaheeddu u dhacaayo marwalba oo aad maalgashi khatar
badan sameyso waa mar walba oo aad filato soo celin dhaqaale oo weyn kadib
faaidada.
Jadwalka hoose wuxuu muujinayaa kala sarreynta hantidaas iyo dabeecadahooda:
|
NOOCA MAALGASHIGA |
HEERKA HALISTA (RISK LEVEL) |
SOO -CELINTA FAAIDADDA (EXPECTED RETURN) |
MODDADA AY QAADATO |
|
SAAMILAYDA SHIRKADAHA (STOCKS) |
Aad u Sarreeya |
Aad u Sarreeya (8% - 12%+) |
Muddo Dheer (5+ Sano) |
|
HANTIDA MA GUURTADA AH (REAL ESTATE) |
Dhexdhexaad |
Deggan/sarreeya (6% - 10%) |
Muddo Dheer (7+ Sano) |
|
HANTIDA SARIFKA&CRYPTO |
Aad iyo Aad u Sarreeya |
Lama saadaalin karo |
Muddo Gaaban / Dhexdhexaad |
|
DAHABKA |
Aad u Hooseeya |
Dhexdhexaad / Ilaalin Hanti (3% - 5%) |
Muddo Dhexdhexaad/Dheer |
3. Naqshadaynta
Portfolio-ga (Xeeladda Kala-duwanaynta)
Maalgashade kasta oo mufakar ah wuxuu adeegsadaa odhaahda caanka ah ee tiraahda : " don’t put your all eggs in one basket." Dhaqaale ahaan, tan waxaa loo yaqaannaa Diversification (Kala-duwanaynta Hantida).
Oraahdani waxay qeexaysa, inaan hantidaada ku
maalgalin hal mee loo qura si ay kugu kala badbaadan oo haddi aad meel
khasaarto aad weli heli karto soo kabasho dhaqaale, taasna waxaa kaa saacidi
karta inaad yeelato portfolio adag oo qorshe ku dhisan.
4. Gunaanad:





