SIDEE LOO DHISO GANACSI YAR OO GUULEYSTA......?

Inaad ganacsi furto ma aha nasiib ee waa qorshe cilmiyeysan. Halkan ka daalaco qaabka ugu wanaagsan ee lagu dhisi karo ganacsi yar oo guuleysta.

SIDEE LOO DHISO GANACSI YAR OO GUULEYSTA......?

fardows hersi

Nairobi, Kenya

July 9, 2026

4 min read

12 views

Hordhac

ku dhiirashadda dhismaha ganacsi yar waa go’aan aad u wanaagsan oo aad ka dhaxli karto khibrad iyo waayo aragnimo dhameystiran oo aad kula koreyso ganacsigaaga waana habka ugu xirfadda sareeysa ee ganacsi lagu soo galo.
dunidda ganacsiga ee manta ma ahan nasiib iyo hadiyad e waa farsammo u baahan qorshe cilmiyeysan, falanqeyn suuq, iyo maamul maaliyadeed oo adag.

1. Isweydii 4-ta Su'aalood ee Go'aamiya Mustaqbalka Ganacsigaaga

hadddi aad u baahan tahay inaad biloowdo ganacsi yar oo aragti iyo yool dheer ku dhisan waa inaad isweydiisa suaalo dhowr ah inta aadan ku dhaqaaqin

a. Maxay tahay ujeeddada ganacsigaaga? (What is the purpose of your business?)

Ganacsiyada ugu guulaha badan waa kuwa xaliya dhibaatada ka jirta bulshada dhexdeeda. Maxay tahay dhibaatada gaarka ah ee aad adigu xalka u haysato (problem solving).?
Furitaanka ganacsiga ku dhisan caadifadda iyo hebel ayaa ku guuleystay waa mid soo dadajin kara fashilka ganacsigaaga balse waxaa muhiim ah oo guul kuu horseedi kara inaad xalliso dhibaato suuqa ka taagan oo dadku baahi u qabaan.

b. Yaa wax iibsanaaya? (Who are you selling to?)

Waa inaad si hufan u garanaysaa dadka iibsanaya alaabtaada (Target Audience).
Waa kuwee? Halkee bay joogaan? Maxay jecel yihiin.? Haddii aad isku daydo inaad wax walba ka iibiso qof walba, ugu dambayn cidna wax kaa iibsanmayso waxaana kugu dhici kara macmiil la’aan, garashadda macmiilka saxda ah waa furaha suuq-geynta iyo ku guuleysiga macmiil joogto ah.

c. waa maxay hadafyadaada ugu danbeeya? (What are your end goals?)

Halkeed rabtaa inuu ganacsigaagu gaaro 1 sano, 3 sano, ama 5 sano ee soo socota? Ma waxaad rabtaa ganacsi adiga kaliya kuu shaqeeya, mise waxaad rabtaa inaad shaqo abuur sameyso oo aad laamo badan furato? Lahanshaha hadaf cad (End Goals) wuxuu ku siinayaa dhiirigelin aad ku sii socoto xitaa marka ay xaaladuhu adkaadaan.

d. Sidee u maalgelinaysaa kharashyada bilowgaga? (How will you finance your startup costs?)
Ganacsi kasta wuxuu u baahan yahay raasamaal bilow ah. Waxaa muhiim ah inaad xisaabiso inta lacag ee kugu bixi karta lixda bilood ee ugu horeysa sida kiradda(rent) si aad meel ugu dhigto sababtoo ah ganacsiyyadda yar yar waxay qaatan lix bilood si uu uhelo macmiil iyo suuq.  

2. Tallaabooyinka Loo Baahan Yahay In La Raaco

1. Qor Qorshaha Ganacsiga (Business Plan)

  • Sameyn qorshe ganacsi oo muuqda waa biloowga guusha.
  •  Qorshuhu waa inuu si kooban u qeexayaa siday u wada shaqaynayaan habka maamulka, istiraatiijiyada suuq-geynta, iyo saadaasha maaliyadeed ee dakhliga.

2. Sharciga iyo Diiwaangelinta

  • In ganacsigaagu yeesho gundhig sharci ah oo lagu kalsoonaan karo waa kasbasho wanaagsan.
  • Waxaa muhiim ah inaan Iska diiwaangeliso dawladda hoose ama wasaaradda ganacsiga si aad u hesho shatiga (License) saxda ah.

3. Kala saar Maaliyadda iyo Akoonka

  • Qobobkaan waxaad ka faaidaysa arrimood dhowritaanka hantida ganacsiga iyo badbaadinta raasamaalka.
  • Marnaba ha isku qasin lacagtaada gaarka ah iyo lacagta ganacsiga. Siaad u kala saarato Furo akoon banki (Bank Account) oo u gaar ah ganacsiga kaas oo ku sahlaaya ogaanshasa faaidada ganacsigaaga kagana badbaadeyso isku milanka lacagtaada gaarka ah iyo dhaqaalaha ganacsiga.

4. Dhisidda Aqoonsiga (Branding)

  • In ganacsigaagu yeesho summad u gaar ah oo la aqoonsan karo waa lagam maarmaan bal iska dhaafe waa Khasab.
  • Doorashadda magac fudud oo la xasuusan karo sameynta logo gaar ah iyo sameynta ciwaano baraha bulshadda ku kulmaan side ( Facebook,Instagram,Tiktok iyo iwrm)  waxay kaa caawinaysa helidda macmiil si dhakhso ah.
    dunidaan tiknooliyadda ah manta waa lagama maarmaan inaad leedahay ciwaano digital ah.

3. Waxyaalaha Kuu Horseedi Kara Inaad Ganacsigaaga Ka Guul Gaarto

Qodobka

Faahfaahinta

la-qabsashada Isbeddelka

Suuqu mar walba waa uu isbeddelaa. Ganacsadaha guul mira dhal ah raba waa kan la jaanqaada tignoolajiyada cusub iyo baahida isbeddelaysa ee macaamiisha.

Adeegga Macaamiisha

Macmiilka oo si fiican loo ixtiraamo loona adeego waa xayaysiiska ugu weyn ee ganacsi helo. Macmiilka ku qanca adeeggaaga wuxuu kuu keenayaa macaamiil kale.

Maareynta Lacagta (Cash-flow)

Badanaa ganacsiyada yaryar uma xirmaan macaamil la'aan, waxay u xirmaan khalkhal dhanka maareynta lacagta caddaanka ah (Cash-flow). Hadaba, xakamee kharashyada aan loo baahnayn.

Samir iyo Adkeysi

Ganacsigu ma aha meel habeen kaliya lagu hodmo. Waxaa jiri doona maalmo adag iyo maalmo fiican. Adkeysiga hogaamiyaha ayaa go'aamiya inta uu ganacsigu jiri karo.

4.Gunaanad
Dhisidda ganacsi yar oo guulesyta waa safar ubaahan adkeysi,dhabar adeyg,aqoon waayo aragnimo leh iyo ugu danbeyn fikrad curin ku dhisan.

#Business#Small business

Comments (0)

Leave a comment

Share your thoughts on “SIDEE LOO DHISO GANACSI YAR OO GUULEYSTA......?

Comments appear immediately after posting.

Loading comments...

Related articles