MAAREYNTA
DHAQAALAHA YAR (MICRO ECONOMICS)
Marka aynu maqalno ereyga dhaqaalaha (Economics) waxaa badanaa maskaxdeena
kusoo dhaca suuqyadda waa weyn, bangiyo waaweyn, iyo miisaaniyado dawladeed,
taas sababta inaan ka fikirin inaan nolosha ku dabakhno dhaqaaalaha, balse si
ka duwan dhaqaaluhu wuxuu ka biloowda shakhsi, qoys iyo ganacsiyo yaryar taas
oo loo yaqaan dhaqaalaha yar (Micro economics).
Dhaqaalaha yar wa barashadda sida shakhsiyaadka iyo qoysasku u gaaran
go’aanadda ku saabsan maareynta dakhliga yar ee soo gala, sidaas darted waa
lagama maarmaan fahamka fikradddahan si qofku u helo xirfad ka caawisa inuu
maareeyo noloshiiisa dhanka dhaqaalaha.
Waxaan halkaan ku falanqeyn doona saddex fikradood oo kaa caawinaya
maareynta dhaqalahaga shakhsiyadeed qoyseed ama ganacsigaaga.
1.kheyraadka kooban iyo Doorashadda (Scarcity & Choice)
Rabitaanka bini aadamku waa mid aan xad laheyn oo mar walba uu helo wax
uubaahi u qabay waxa uu raadiya midka kale mana ahan mid dhammaaneysa waana mid
ku saleysan abuurista bini aadamka,laaakiin taas kacsigeeda dhaqaalaha aan
heysanno mararka qaar inooma saamaxaayo inaan helno wax walba oo aad
doonistooda u kuur galno,sidaas darted waxaa lagama mmaarmaan ah inaan tanaasul
iyo doorasho u galno sheyga ku haboon ama aan ugu baahi badanahay
waqtigaa la joogo.
Aragtidani waxay nabarsaa inaad sameyso doorasho ah ah oo ku
saleysan lacagta aad heysato iyo waqtigaa aad joogto waxa aad ugu baahi badan
tahay maadama mushaharku kuu saamaxeyn iibsashadda dhar cusub, kuraas cusub iyo
bixinta biilasha guriga iyo raashinka waxaa habuun kala horeysiinta baahiyahaga
(Prioritization).
TUSAALE:
Haddi aad haysato $50 waxaad dooran kartaa labo midkood inaad ku iibsado
buugaag aad wax barato ama xirfad online ah iyo inaad casho qaali ah u kaxeyso
saaxiibadda. go’aanka koowaad wuxuu kuu suurtagalinaaya inaad dhisto naftaada
oo aad hormariso taas oo aad miraheedda cuni doonto kana qeyb qaadanaya helidda
xirfad kuu horseedda kobac dhaqaale, halka midka labaad aad saaxiibadda lasoo
qaadanayso waqti kooban oo bashaal ah laakiin waxba aadan kasoo faaidayn.
2.Qiimaha Fursadda (Opportunity Cost)
aragtiddani waa mid abbaaraysa xaddidnaanta qiimaha waqtiga iyo lacagta taas oo
khasbaysa in marwalba la sameeyo xulasho iyo go’aan laga baaran degay.
Waqtiga iyo lacagtu waa labadda shay ee ugu muhiimsan qiimaha ay fursaddu ku
shaqeyso, waxay u baahan yihin qoysheyn joogto ah oo ku dhisan fikir iyo aragti
sax ah si looga hortago go’aan qaldan oo sababi kara in waqti ku lumo lacag
bandanna ku baxdo.
TUSAALE:
haddi aad haysato labo saac maalin walba marka aad ka timaado shaqadda ka
faaideysiga waqtigaa waxay ku xiran tahay waxa aad ku qabato haddi aad
madadaalo iyo inaad daawato film ku bixiso waxay noqon waqti kaa lumay oo
fashil kuu horseedi kara, halka haddi aad go’aansato inaad cilmi ku barato ay
kaa dhigayso qof cilmi xanbaarsan oo bulshadda dhexdeeda qiimo kuleh. Sidoo
kale haddi aad haysato $10 si aad qiimaha lacagtaas uga faaideysato waxaa kuu
haboon inaad bug ku qadato halkii aad inta meherad tagto shah ku cabto adigoo
gurigaaga ka heli kara shah iyo cunto.
3.Falanqaynta Margin-ka (Marginal Analysis)
waa hab dhaqaale oo dhigaaya faaidada iyo kharashka ka dhasha go’aanka aad
gaareyso muxuu kusoo kordhin karaa dhaqaalahaaga waxaana loo yaqaana Marginal
Benefit (Faa'iidada dheeriga ah) iyo Marginal Cost (Qiimaha
dheeriga ah).
TUSAALAHA KOOWAAD: Faa'iido
Dheeraad ah
shirkad yar soo saarta qalimaanta ayaa
go’aansatay inay bishaan kordhiso qalimaanta oo ay soo saarto 1001 qalin halka
ay soo saari jirtay 1000 qalin
Falanqey= kordhinta soo saaritaanta qalimaanta waxay u baahan tahay
inaad isticmaasho koronto kw aad u yar, in yar khad iyo bac.
kasoo qaad Marginal Cost (Qiimaha dheeriga ah) aad u baahan tahay si aad
u sameyso hal qalin uu yahay $0.3 kadib marka aad suuqa gaysayna aad faaiday
$1.0 oo ah Marginal Revenue (Dakhliga dheeriga ah) go’aankani wuxuu
noqon mid miro dhal ah una baahan in lagu dhaqaaqo.
TUSAALAHA LABAAD: Khasaaraha
Margin-ka
haddi gabi ahaanba shirkaddu go’aansado inaysoo saarto 5000 oo qalin waxay u
baahan tahay khad aad u badan, koronta said ah iyo machines oo la sifeeyo ama
la baddalo si loo helo kuwo awood u leh inay shaqeeyaan waqti aad u badan iyo shaqaalaha oo loo baahnaanayo in loo
kordhiyo waqtiga shaqadda.
Falanqeyn
Aynu xisaabino Margin-ka cusub:
- Marginal Cost (Qiimaha dheeriga ah): Sababtoo ah mushaharka overtime-ka iyo dayactirka mashiinka, halkii qalin oo kaliya waxay shirkaddu ku bixin $1.20!
Marginal Revenue (Dakhliga dheeriga ah): Qalinka suuqa dhexdiisa wali waxaa lagu iibinayaa $1.00.
Marka aan isku eegno baladda tusaale waxaan halkaan ka baran karnaa cashar aad
u weyn oo ah in shirkadaha yar-yar ay ubaahan yihiin waqti iyo ka fakar ku
dhisan caqli kobcin talaabo talaabo ah iyo isku dheelitinaan si ay u koraan.
-
GUNTII IYO GABAGABADDII
Dhaqaalaha yar (Microeconomics) maaha maaddo lagu dhigto jaamacadda ama buugaagta cilmiga ah oo ay dheehdaan ardayda iyo kuwa cilmiga dhaqaalaha barta balse waa qeyb ka mid ah nolol maalmeedka qof walba loogana baahan yahay inuu aqooon u yeesho siu u uga gungaaro ama u maareeyo kharashaadka soo galaaya, musharka aad qaadato lacagta kaa soo gasha ganacsigaaga iyo isku dheelitirka noloshaadu waxaa sameyn ku yeelanaaya go’aamadda iyo ficiladda aad ku sameynayso.
NOLOSHU WAA GO’AAMO YAR-YAR OO ISBIIRSADAY!
NOQO AGAASIMAHA DHAQAALAHAAGA!





